|
Bardhere,(insidesomalia.org)-Inkastoo xiisado colaadeed oo aad u daran laga soo sheegayo deegaanka Macalin Dheer oo ku yaala meel illaa 20-km dhinaca koonfur galbeed ka xigta degmada Bar dheere ee gobolka Gedo ayaa haddana waxaa degan saaka xaalada deegaankaasi ka dib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo lagu hoobtay oo galaaftay nolosha dad iyo duunyo badan oo halkaasi ku dhaqnaa, kuwaasoo u dhexeeyey maleeshiyooyin ka soo kala jeeda laba Beelood oo halkaasi wada dega.
Dagaalka u dhexeeya beelahan oo ahaa mid soo jiitamayey muddo dheer oo daba socday dagaalo horey dhexmaray ayaa salka ku haya lahaanshaha dhul daaqsiin ah iyo waro biyoodyo ku yaala deegaankaasi oo mid walba ay gaarkeed u sheeganeyso, iyadoo dagaalkan u dambeeyeyna markii hore la isku adeegsaday Warmo. Gamuuno, faasas iyo qalab kale oo inta badan reer miyigu ay ku dagaalamaan, hase ahaatee markii uu dagaalku kululaady waxaa lu soo biiray maleeshiyooyin ku hueysan qoryaha fudud iyo baasuukeyaasha oo labada dhinac ah, waxaana inta laga warqabo dagaalkaasi ku dhintay ku dhowaad 10 ruux oo iskugu jira labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay iyo dadkii rayidka ahaa ee ku noolaa tuulad Macalin Dheere, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.
Dagaalkaasi ayaa waxaa lagu gubay guryo ku yiilay qeybo ka mid ah tuulada Macalin dheere iyo deegaanada kale ee ku xeeran, iyadoo maleeshiyooyinka labada dhinacna ay xitaa iska laynayaan xoolaha oo ay rasaas la dhacayaan, waxaana dagaaladaasi ay keeneen iney deegaankaasi ka firxadaan boqolaal qoys oo ka soo jeeda labada beelood oo iskugu jira haween, Caruur iyo dad da’ ah, iyagoo kala baqaya in colaadaha halkaasi ka aloosan ay saameyn ku yeeshaan, waxaana dadkaasi qaar badan oo ka mid ah ay gaareen degmada Baardheere iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi sida uu inoo xaqiijiyey weriye Maxamed Gaarane Aadan oo ka mid ah weriyeyaasha ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay deegaanada lagu dagaalamay gaaraan odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda labada beelood iyo beelaha kale ee ay ood wadaagta yihiin kuwaasoo wada dedaalo nabadeed oo ay ku doonayaan iney ku qaboojiyaan xiisadaha dagaal ee uu dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya tuulada Macalin dheere ee duleedka degmada Baardheere, kuwaasoo ku tala jira iney gogol nabadeed u dhigaan si loo dhameeyo khilaafka gacan ka hadalka ah ee u dhexeeya labada beelood.
|